halkaas oo uu kula kulmay jaamacado waaweyn iyo wakiillo caalami ah oo dhanka waxbarashada ah. Intii uu safarkaasi socday, Guddoomiyuhu wuxuu kala hadlay hay’adahaasi fursado iyo hannaan lagu abuuri karo iskaashi waxbarasho oo miro dhal ah. Wadahadalladaasi waxay diiradda saareen sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada, loo furi lahaa fursado caalami ah, isla markaana jiilka Soomaaliyeed ee jecel waxbarashada loogu heli lahaa aqoon casri ah iyo waayo-aragnimo heer caalami ah.
Ugu dambeyn, heshiisyada iyo is-afgaradyada ka dhashay kulamadaasi waxaa si rasmi ah loogu saxiixi doonaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib marka ay dalka yimaadaan jaamacadaha waaweyn iyo wakiillada caalamiga ah ee ka qayb-qaatay wadahadallada. Martidaasi waxaa si diirran u soo dhaweyn doonta Jaamacadda Caalamiga ah ee Al-Imra.





