waxay ku faraxsan tahay inay soo bandhigto Deeq Waxbarasho oo Dhameystiran (Full Scholarship) oo ay ugu talagashay ardayda Soomaaliyeed ee dhawaan ka qalinjabisay dugsiyada sare ee dalka kuna hamineysa inay sii wataan waxbarasho heer jaamacadeed.
Deeqdan waxbarasho waxay khusaysaa dhammaan kulliyadaha iyo barnaamijyada jaamacadda ee ay bixiso Al Imra International University.
Waqtiga Isdiiwaangelinta:
Fursadda deeqdan waxbarasho waxay furnaan doontaa laga bilaabo 1-da ilaa 8-ka November 2025.
Goobta Isdiiwaangelinta:
Xarumaha Jaamacadda Al Imra ee ku yaalla wadada cabdiqaasim ee dagmada hodan.
Fiiro gaar ah:
Ha sugin ilaa fursaddu kaa dhammaato β boosaska waa koobanyihiin!
Xiriir & Faahfaahin:
+25261-7061918/ +25261-3395441
info@alimrauniversity.edu
