Jaamacadda Caalamiga ah ee Al Imra International University waxay si rasmi ah ugu faraxsan tahay inay la gasho Asal Microfinance heshiis is-afgarad (MOU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada, horumarinta ganacsiyada yaryar, iyo maalgelinta fursadaha dhalinyarada Soomaaliyeed.
Heshiiskan wuxuu muujinayaa dadaalka labada dhinac ee ku aaddan kor u qaadista fursadaha waxbarasho iyo dhaqaale, si ardayda iyo bulshada Soomaaliyeed ay u gaaraan horumar waara.
Tani waa bilow guul leh oo dhabbaha u xaareysa iskaashi miro-dhal ah mustaqbalka.
Al Imra International University Waxbarasho Tayo Leh, Mustaqbal ifaya.


