Alxamdulillaah

Waxaa si guul leh inoogu soo dhammaaday Final Exam-ka Semester-ka 1aad ee Sanad Waxbarasheedka 2025–2026.

Waxaan bogaadin iyo mahadnaq u diraynaa ardaydeena qaaliga ah dadaalka, adkaysiga, iyo anshaxa ay muujiyeen inta uu socday imtixaanku. Sidoo kale, waxaan u mahadcelinaynaa macallimiinta, kormeerayaasha, iyo maamulka jaamacadda oo si hufan uga shaqeeyay hirgelinta imtixaanka.

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar, iyo natiijooyin lagu farxo. Tallaabo kasta oo aad qaaddaan waa mid idiin dhoweynaysa mustaqbal ifaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like these