WAR-SAXAAFADEED

Jaamacadda Al-Imra ayaa qabatay tababar aqooneed qiimo weyn leh oo cinwaankiisu ahaa Leadership (Hoggaamin), kaas oo ujeeddadiisu ahayd horumarinta xirfadaha hoggaamineed ee ardayda iyo bahda waxbarashada.

Tababarkan waxaa si qoto dheer u soo jeediyay Dr. Cabdulqaadir Siciid Jaamac, oo ka socda Jaamacadda Borama, kana mid ah aqoonyahannada ku xeel dheer hoggaaminta iyo horumarinta bulshada. Dr-ku waxa uu ka hadlay doorka hoggaamintu ku leedahay horumarka shakhsiga iyo kan hay’adaha, isaga oo tusaalooyin wax ku ool ah la wadaagay ka-qaybgalayaasha.

Tababarkan waxaa ka soo qayb galay Xildhibaan Dalxa, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Al-Imra, kuwaas oo bogaadiyey dadaalka Jaamacaddu ugu jirto tayeynta aqoonta iyo kobcinta hogaamiyeyaasha mustaqbalka.

Ugu dambayn, Jaamacadda Al-Imra waxay uga mahadcelinaysaa martida sharafta leh, macallinka tababarka bixiyay, iyo dhammaan ka-qaybgalayaasha, iyada oo ballanqaadaysa inay sii wadi doonto qabanqaabinta tababaro aqooneed oo wax ku ool ah.

🎓 Jaamacadda Al-Imra – Hoyga Aqoonta iyo Hoggaaminta Mustaqbalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may also like these